|
Waa Allah mahaddiise, mashruucii dhisme ee Masjid Khalid Bin Al-Walid
wuxuu ka dhawyahay gebagebo, hase ahaatee waxaa jiro qaybo muhim
ah oo u baahan dhaqaale lagu dhameystiro. Qaybaha harsan waxaa ka
mid ah fasalladda caruurta wax lagu barayo, maktabadda kutubta,
qolka maydka iyo qaboojiyahii, barxadda baabuurta, dayrka (fence)
masjidka oo muhiim ah.
Haddaba waxaa muslimiinta oo idil ka codsanaynaa inay ka qayb qaataan
dhamaystirka masjidka. Nebiga (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato)
wuxuu xadiith saxiix ah ku yiri "Qofkii Alle dartii masjid u dhisa,
Allaah ayaa guri jannada uga dhiseye" (Bukhaari iyo Muslim).
Waxaan halkan uga mahad celineynaa dhammaan Muslimiintii ka qayb
qaatay dhismaha masjidka haddii ay noqon lahayd xaga dhaqaale, xoog,
xirfad, iyo talo bixinba. Waxaan aaminsanahay in awoodda Allaah
iyo hagar bixidda muslimiinta oo keliya suurta galisay in uu masjidka
dhismo.
WIXII SADAQAAD AH WAXAA LAGU SOO HAGAAJIN KARAA
Bank of Montreal, Khalid Bin Al-Walid Mosque.
Account # 1065-303 (Canadian)
Account # 4605-837 (US)
Transit # 24162
Ama daabac (print) oo buuxi form-amka hoose midkood, oo ugu soo
dir Masjidka cinwaankan:
Fax: (416) 745-9360
PDF PLEDGE-FORM
MSWORD PLEDGE-FORM
|