Masjid Khalid Bin Al-Walid

Font Size

Cpanel

Ku Biir Mailing Liiska




Su'aalo Iyo Jawaabo

Something on your mind? Have anything to ask? Ask here and it will be answered insha'Allah

CLICK HERE

Taariikhda Masjidka

Masaajidka Khalid Bin Al-Walid waxaa la asaasay sanadkii 1990, iyadoo ujeedada loo asaasay ay ahayed xafididda, faafinta diinta Islaamka iyo ka ilaalinta jaaliyadda inay ka lumaan diintooda.


Si uu ujeedooyinkiisa u fuliyo ururka wuxuu iibiyey bakhaar (0.84 acres) November 1996, si looga dhiso Masjid. Lacagta laga bixiyay waxay ahayd $450 000.

Waa Allaah mahaddiise, dhaqaale laga uruuriyay Muslimiinta magaalada Toronto siiba jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa suurta gelisay in bakhaarkii dib u habayn laga sameeye oo loo beddelo Masjid leh qayb ragga iyo qayb dumarka u gaar ah.

Masjidku wuxuu bilaabay hawlihiisii sida : shanta wakhti oo lagu tukado, xalaqooyin diini ah, barnaamijka dhalinyarada iyo hawlaha guud ee dacwada. Hase yeeshee Masjidka dhameystir ayuu u baahanyahay si qaybihiisa oo idil loo isticmaalo.